HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Wararkii ugu danbeeyey dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Qooqaani.

05.Feb.2012.HOMELAND.Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose gaar ahaan deegaanka Qooqaani ayaa waxay sheegayaan in xalay iyo saakay halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Kenya, Dowladda KMG oo isku garab ah iyo Ciidamada Xarakada Alshabaab oo dhinac ah, taasoo la sheegay in ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo Dhawac kala gaaray dhinacyadii dagaalku dhex maray.

Wararku waxay sheegayaan dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Xarakada Alshabaab weeraro ku qaadeen deegaanka Qooqaani Saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ku leeyihiin, waxaana la sheegay in dagaalka saacado badan socday, isagoo rogaal celin ahna saakay mar kale halkaasi ka dhacay.

Sida wararku sheegayaan 10 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi tiro intaasi ka badana dhaawacyo kala gadisa ayaa soo gaaray, hase yeeshee ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha labada dhinac.

Ugu danbeyntii Xaalada deegaanka Qooqaani ee xalay iyo saakay dagaalada ka dhaceen waa meel aad u kacsan oo laga cabsi qabo in ay dib uga holcaan dagaalo kale oo dhex mara dhinacyadaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.