HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Iftiin Qaran Soomaali oo mar kale Muqdisho ka soo muuqday (Maqaal).

25.May.2012.HOMELAND.Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay meesha ka baxday dowladdii Dhexe ee Soomaaliya Sanadkii 1990-kii Magaalada Muqdisho waxay marti u noqotay Dagaalo joogto ah oo wajiyo badan soo maray, Dilal Qorsheysan oo aan la garanayn ujeedka wax loo dilo iyo cida wax disha, Magaalada waxaa isku bad badalay gacan ku heynteeda Hogaamiye Kooxeedyo, Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya, Ciidamada Xabashida Itoobiya, halka hadda ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda meel ku gaarka Soomaaliya oo garab Militari oo buuxa ka helaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya xaalkuna waxa uu ahaa Mid ALLE sahal ah.


Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey markii laga saaray Alshabaab waxaa magaalada ka bilowday is badal ballaaran, haddii ay ahaan lahayd dib  u dhiska iyo dib u soo laabashada Qurba joogta oo Magaalada ku soo qulqulaya halka markii hore laga baqan jiray.

Caasimada Magaalada Muqdisho waxaa saacad saacad ugu soo qulqulaya Qurba joogta Soomaalida si ay uga faa’iideystaan Is badalka xoogan ee hada kajira Magaalada Muqdisho oo 22-sano Bur bur iyo dhibaato ka jirtay,  iyadoo magaalada dhaqaale ay ku maal gashtaan si ay mashruucyo uga fushadaan Caasimada Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Magaalada waxaa is badal aan caadi ahayn oo maalgalin ka wada Dowladda Turkiga iyo Hay’adaha Madaxabanaan oo ka socda Dalka Turkiga, iyagoo Magaalada Muqdisho ka wada dib  u dhis badan, waxayna dowladda Turkigu balan qaaday in Caasimada Magaalada Muqdisho u ekeysiin doonaan Magaalada Istanbul ee Dalkaasi.

Marka aad eegto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo waliba Dekadda Muqdisho waa gobo aad u mashquul badan oo dhaqaalaha ugu badan ka soo gala Dowladda KMG Soomaaliya, waxayna taasi ku tusaysaa Iftiin Qaran Soomaali mar kale ka soo muuqday.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxa dib ugu soo laabtay Aroosyadii bari samaadkii Muqdisho Caanka ku ahayd, iyadoo in muddo ahi Bulshada Reer Muqdisho aysan arkin Aroosyo Caalami ah oo lagu dhigayo Hoteelada, iyadoo waliba wadooyinka Magaalada lagu soo wareejinayo gaadiid aad u qurux badan si damaashaadka Maalinta Arooska uga qeyb qaataan.

Sidoo kale waxaa si aad ah oo aan la soo koobi Karin u Camiran Hoteelada iyo Goobaha laga Cunteeyo ee maqaayadaha ama Baararka, waayo magaalada waxaa si aad ah u soo galay Dadka Qurba joogta ah oo badi dega Hoteelada iyo Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka Soomaalida ee Magaalada ku shiraya.

Adeegyada dib u soo laabtay waxaa ka mid ah Taraafikadii Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada Maka Al-Almukarama, KM 4, Banaadir, Zoobe iyo gobo kale oo ka mid ah wadooyinka Caalamiga ah ee Caasimada Magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed haddii ay ugu badnaan lahaayeen Qurba joogta ayaa maalinta Jimcada ah isugu soo baxa Xeebta Liido si ay ugu damaashaadaan, waxaana halkaasi laga furay Goobo Maqaayado ah oo laga cunteeyo, Dukaamo Yar yar oo wax laga Iibsado, iyadoona dhawaan la qorsheynayo in Xeebta Liido laga furo Mid ka mid ah Hoteelada ugu wayn Caasimada Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii Iftiinka Qaran Soomaaliya mar kale Muqdisho ka soo muuqday ayaa imaanaya xili is badalka ka muuqda Magaalada Muqdisho aysan ahayn mid daahsaaran oo la dafiri karo, waxayna Ummadda Soomaaliyeed si aad ah niyada ugu hayaan in mar kale ay dib u arkaan Qarankii Soomaaliya ee Burburay 22-sanadood ka hor. 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.