Faroole oo Turkiga ku eedeeyey in ay ka weecdeen Howlihii Mucaawinooyinka.
01.Jun.2012.HOMELAND.Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa dowladda Turkiga ee aynu walaalaha nahay isla markaana sida daacada ah ugu soo gurmatay Ummadda soomaaliyeed ku eedeeyey inay ka leexdeen Howlihii Mucaawinooyinka oo hadda ay faraha kula jiraan Arrimaha Amaanka, Siyaasada iyo waxyaale kale oo aan laga doonayn sida uu yiri.
Faroole oo baryahan dambe ay ka muuqato isku dhexyaac Siyaasadeed, kadib markii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare C/weli Maxamad Cali Gaas ay Magaalada Muqdisho ay ku marti qaadeen Odayaal Dhameedyo ka socda deegaanada kala duwan ee Dalka soomaaliya oo Puntland ay ku mid tahay, hase yeeshee Faroole aan ka amar qaadan Odayaasha ka yimid dhanka Maamulka Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare C/weli Maxamad Cali Gaas waxay si xirfadeysan uga duuliyeen Qaar ka mid ah Odayaashii Dhaqanka Muqdisho ku shirayay Magaalada Istanbul halkaasoo shir muddo saddex cesho ah socday uga furmay Magaaladaasi.
Dhinaca kale Dowladda Turkiga oo fulineysa Damaca Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkooda ku marti qaaday Qaar ka mid ah Bulshada Rayidka Muqdisho, Siyaasiyiin, Qurbo Joog iyo qaar ka mid ah Hay’adaha ka howlgala Dalka Soomaaliya, waxayna shirkaasi ka soo saareen Qodobo aad u xasaasi ah.
Dad badan oo maqlay eedeymaha Faroole ee ku aadanaa in Turkiga ay faraha la gashay howlo ka baxsan Mucaawinooyinka ay Yaab iyo Amakaag ku noqotay, waxayna Faroole ku eedeeyeen inuu doonayo in Masiirka Ummadda Soomaaliyeed uu doonayo in uu hoos geeyo Itoobiya, Kenya iyo dalal kale oo Afrikaan ah kuwaasoo aan doonayn in Soomaaliya dowladd Caalami ah dib u hanato, dalalkaasina waa kuwo ka liita Dalka Soomaaliya.
Shaki kuma jiro inuu Fashil aan caadi ahayn oo aad u weyn ku yimid Siyaasadii gurcanayd ee kooxaha la magac baxay Saxiixayaasha Soomaalida, gaar ahaan Faroole, Caalim iyo Koox ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Ahlusunna Waljamaaca.
Ugu danbeyntii Dowladda Turkiga ayaa si aad ah u doonaysa in Soomaaliya ay mar labaad cagaheeda ku istaagto, lana mid noqoto dowladaha kale ee Caalamka, waxayna muujiyeen ilaa iyo hadda Arrimo ficilo ah oo la taaban karo, taasoo ay ugu weyn tahay in Indhaha Caalamka si toos ah ugu soo jeediyeen Soomaaliya oo markii hore laga aaminsanaa dal Bahalo galeen ah oo aan la tagi Karin, waxayna si toos ah u bilowday Duulimaad todobaadkii laba jeer ah oo Istanbul-Muqdisho-Muqdisho-Istanbul iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin balan qaad ku taxluqa in ay isku ekeysiin doonaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul Dhismo ahaan, waana rajo weyn oo Ummadda Soomaaliyeed ay si aad ah u wada sugayaan.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale