Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la xaqiijiyey goobta uu ku sugan yahay (Warbixin).
06.Jun.2012.HOMELAND.Wadaadka mayalka adag Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la rumaysan yahay inuu yahay shaqsigii dib u holciyey dagaalada Muqdisho kadib bixitaankii ciidamada Itoobiya ayaa la xaqiijiyey halka uu ku sugan yahay, iyadoo labadii maalin ee ugu danbeysay warbaahinta Caalamka iyo tan gudaha soomaaliya hadal heyeen warar kala duwan oo Sheekha quseeya.
Mid ka mid ah Saraakiisha Xarakada Alshabaab oo ku sugan Magaalada Marka ayaa u xaqiijiyey Homelandmedia.net in wadaadka iyo Saraakiil kale oo fara badan ay ku sugan yihiin Magaalada Marka, isagoo guud ahaan meesha ka saaray wararkii sheegayay in Sheekhu Madaxtooyada la soo gaarsiiyey, kadib markii uu isku soo dhiibay Dowladda KMG Soomaaliya.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa in Sheekh Xasan Daahir uu joogo Marka, kuma sugna Madaxtooyo iyo meelo kale oo la mid ah, wararka beenta ah ee la baahiyeyna waa kuwo borobogaando ah oo aan waxba ka jirin” ayuu yiri Sarkaalkani oo ka gaabsaday in aan soo xigano magaciisa.
Haddaba Shabakada Homelandmedia.net oo maalintii doraad warbixin ka diyaarisay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo jahwareer ka taagan yahay goobta uu ku sugan yahay, warkani waxa uu tilmaamayaa in Sheekhu Xarunta madaxtooyada ku sugnayn oo uu wali ku jiro Xeyndaabka Xarakada alshabaab.
Ugu danbeyntii warka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhabnimadiisa soo baxay ayaa la filayaa in saacadaha soo socda wadaadka hadal siiyo Idaacada Al-Andulus ee ku hadasha Codka Xarakada alshabaab si shakiga iyo jahwareerka shacabka Soomaliyeed looga saro, isla markaana si rasmi ah loo cadeeyo inuu Marku ku sugan yahay.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale