HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Ciidamada Dowladda KMG oo saaka baadi goobaya hubka sharci darada ah ee yaala Afgooye.

06.Jun.2012.HOMELAND.Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa saaka lagu arkayaa inta badan Xaafadaha Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, iyagoo wada howlgalo ka dhan ah hubka sharci darada ah iyo raga ku labisan dareeska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya haddana aan ka mid ahayn Ciidanka dowladda.

Taliyaha Hay’ada Dambi Baarista Dowladda KMG soomaaliya col: C/laahi Xasan Bariise oo ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay in dadka degmada Afgooye ay ku qabaan ragg ku labisan dareeska ciidamada oo dhac iyo boob ku haya iyo ciidamo kale oo isku heysta qaadista Cashuurta Degmada Afgooye.

Bariise waxa uu xusay in ay Dowladda Mamnuucyada hub sharci daro ah lala dhexmaro gudaha Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in cidii la qabtaa iyadoo oo hub wadata la maxkamadeyn doono.

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamada ciidanka Qalabka sida dowladda KMG Soomaaliya Muungaab ayaa uga digay askarta dowladda KMG soomaaliya inay canshuur sharci daro ah ka qaadaan Ganacsatada, isagoo sheegay askarigii lagu qabtaa isagoo Canshuur been abuur ah qaadaya Sharciga la horkeeni doono.

Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay oo Dowladda KMG Soomaaliya shaaciso inay la dagaalamayso hubka Sharci darada ah ee lagu dhex wado Gudaha Magaalada Muqdisho, in kastoo magaalada Afgooye amarkani uu yahay markii ugu horeeyey.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.