HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Wadanka Turkiga oo Soomaalida ugu baaqay inay kala doortaan Qaran iyo Qabiil (Warbixin).

08.Jun.2012.HOMELAND.Ceeb iyo Fool xumo aad u weyn ayaa waxay ka dhacday sida xogta warkani nagu soo gaadhay shirkii Soomaalida loogu qabtay dalka Turkiga horaantii bishan, kadib markii la arkay Odayaal Dhaqameedyo iyo Maamulo Beeleedyo u kala ordaya Arrimo iyaga u gaar ah, hase yeeshee meel iska dhigeen inay u hadlaan ama wax u raadiyaan Qarankii Soomaaliyeed ee loo soo xushay inay aayahiisa ka taliyaan Odayaashaasi oo laga kala keenay Gobolada Dalka Soomaaliya oo dhan.

Dalka Turkiga ee aynu walaalaha nahay isla markaana sida muuqda ugu soo gurmaday Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu  sheegay inay tahay wax laga xumaado in Soomaalida aysan u muuqan dad doonaya dalkooda inay bad baadiyaan oo ay helaan Dowladd shaqeysa, balse ay koox…koox iyo Qabiilo ay wax ku raadinayaan, taasoo si aad ah uga caraysiisay madaxa dalka Turkiga.

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo la dhahi karo waa laba maamul marka si loo eego aan rabin in Aayaha soomaaliya laga taliyo isla markaana la helo dowladd Soomaaliyeed oo awood leh ayaa waxaa la arkay iyagoo soo xirtay Kaarar ay ku qornaayeen Magacyada maamul goboleedyadooda, taasina waxaa aad ula fajacay Madaxdii dowladdihii ka soo qeyb galay shirka iyo dowladda Turkiga ee marti galisay shirkaasi.

Sidoo kale waxaa la arkay Oday Dhaqameedyo ku baaqaya  in Beelahooda si gooni ah ula faqaan Xukuumadda Dalka Turkiga danahooda, taasoo ka sii yaabisay Madaxda Dalka Turkiga, waxayna ugu baaqday dowladda Turkiga dhinacyada Soomaalida inay kala doortaan Qabiil iyo Qaran, maadaama labadaasi shey aysan meel wada gali Karin laguna gaari Karin dowladd Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, misana ummadda ka sarta dhibaatada daashatay.

Dhanka kale arrinka ka sii yaabisay dowladda Turkiga ayaa noqotay kadib markii Maamul Beeleedyada Somaliland, Puntland iyo Galmudug ay dalka Turkiga ka dalbadeen in Magaalada Muqdisho howlaha ay ka wadaan loo soo weeciyo Maamuladooda, waxayna arrin lala fajaco ku noqotay dalka Turkiga oo howlo gargaar ah ka wada Caasimada Magaalada Muqdisho maadaama ay tahay Caasimadii dalka Soomaaliya kuna nool yihiin kumanaan dad ah oo Qabaa’il kasta ama jinsiyad kasta leh.

Ugu danbeyntii madaxda dowladda Turkiga ayaa tilmaamay in haddii Soomaalida ay ku sii socdaan jeclaysiga Qabiilka iyo deegaanada ay maamulaan ay adkaan doonto in dalka soomaaliya dib u helo dowladd Soomaaliyeed oo caalamka intiisa kale la tartanta, maadaama sida la wada ogyahay Dowladdii Dhexe ee soomaaliya meesha waxa ka saaray ay tahay Qabiil, walina Qabiilkii burburiyey dowladaasi awoodi kari la’yahay in Qarankaasi lumay dib loo soo celiyo, lase arki doonee damaca Soomaalida ee qabiil jeclaysiga halka uu ku danbeyn doono.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.