Madaxweyne Shariif oo Amaanay Ciidamada Itoobiya.
23,Jun.2012.HOMELAND.Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galay shirkii Saxiixayaasha Road Map-ka maalintii shalay magaalada Neyroobi ugu soo gabagaboobmay ayaa sheegay in aan la ilaawi karin
Dowladda Itoobiya.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay howlgalada Soomaaliya ay ka wadaan Ciidamada Itoobiya uu yahay mid ay
amaan ku muteen, islamarkaana dowladda KMG iyo Shacabka Soomaaliyeed
ilaawi karin sida uu yiri.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Itoobiya ay ka mid tahay Dowladdaha kaalinta weyn ku leh la dagaalanka Alshabaab iyo Al-qaacidada Soomaaliya oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan shacabka soomaaliyeed sida uu yiri.
"Ciidamada Itoobiya waxaa looga baahan yahay inay sii wadaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo al-qaacidada Soomaaliya" ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.
Sidoo kale Shariif waxa uu mar kale ku celiyey in Dowladda Itoobiya aan la ilaawi doonin sida ay isku garab istaageen gacan siinta Dowladda KMG Soomaaliya iyo ka saarida Xarakada alshabaab gobolada Koonfurta Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay haddii doorashada soo socota uu ku guuleysto si wanaagsan ula shaqeyn doono dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena ugu baaqay Musharaxiinta Soomaalida haddii ay dhacdo inay ku guuleystaan doorashada inay la shaqeeyaan dowladda itoobiya oo uu xusay inuu abaal u hayo.
Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Ciidamadeeda sii joogayaan dalka Soomaaliya ilaa guud ahaan dalka oo dhan gacanta uga galinayaan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Itoobiya Shimeles Kemal ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadooda ku sugan dalka Soomaaliya aysan ka bixi doonin ilaa dowladd Cusub la doorto.
"Ilaa dowladd Cusub la doorto lana sameeyo Dastuur Cusub iyo Dimuqraadiyad Ciidamada Itoobiya kama baxayaan Soomaaliya waan sii joogaynaa" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Itoobiya Shimeles Kemal.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale