Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladdda KMG oo eedeyn ujeedisay maamulada Puntland iyo Somaliland.
23.Jun.2012.HOMELAND.Taliyaha waaxda socdaalka Gen. C/laahi Maxamuud Gaafoow oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qabteen ilaa 100-baasboor oo ah kii hore oo cagaarka kaas oo loo waday degaanada Somaliland.
Mr. Gaafow waxaa kale oo uu sheegay in degaanada ay ka arrimiyaan labadaasi maamul si aad ah looga adeegsado Baasboorka cagaarka oo u sheegay in waa hore ay mamnuuceen isticmaalkiisa,hadana la adeegsado baasboorka E-passport-ka, wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka hadlaya “Waxaan qabanay 100-baasboor oo loo waday Somaliland, marhore baan joojinay baasboorka cagaarka, laakiin weli waxaa laga isticmaalayaa Somaliland iyo Puntland”.
Gen.Gaafoow ayaa sidoo kale sheegay in mararbadan ay la xiriireen mas’uuliyinta Puntland oo ay ugu baaqeen joojinta Baasboorka isla markaasna farriimo u marsiiyeen warbaahinta balse aysan jirin wax isbedel ah oo ay sameyeen sida uu sheegay.
Dhinaca kale wuxuu xusay in wasaaradda arrimaha gudaha ay u gudbiyeen warqad cabasho ah oo ku aadan isticmaalka baasboorka cagaarka ee laga isticmaalo Puntland iyo Somaliland illaa iyo haatanna aan arrintaasi waxba laga qaban.
Hadalka Gen. Gaafow ayaa ku soo aadaya iyadoo degaanada Somaliland aad looga isticmaala Baasboorka Cagaarka, waxaana dhacda haddii qofka uu wato Baasboorka cusub in laga qaado lacag aad u badan amaba la xiro mana aqoonsana maamulka Somaliland baasaboorrka cusub ee hadda ay sameysay dowladda KMG ee loo yaqaano E-passport-ka.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale