Qaraxyo xalay gilgilay Magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
24.Jun.2012.HOMELAND.Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaasi gil gilay Qaraxyo aad u xoogan, kuwaasoo geystay qasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac gaaray Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan wararka saaka naga soo gaaraya Degmada Afgooye kooxo hubaysan ayaa xalay weeraro bambooyin ah ku tuuray Saldhiga Degmadaasi, qaraxyadaasoo sababay Dhimashada laba Askari iyo Dhaawaca Afar kale oo goobta ku sugnayd.
Qaraxydaasi kadib Ciidamada waxay fureen rasaas culus oo dadka Reer Afgooye xaalad Cabsi ah ku abuurtay, iyadoo waxyar kadib Ciidamada ku foofay xaafadaha Degmada Afgooye, halkaasoo howlgalo ay ka sameeyeen ku qabqabtay dhalinyaro fara badan oo lala xiriirinayo weerarkii lagu qaaday Saldhigaasi.
Xaalada Degmada Afgooye ayaa lagu soo waramayaa inay saaka tahay mid dagan oo aan ka jirin wax cabsi ah, in kastoo wadooyinka Magaalada lagu arkayo ciidamo fara badan oo baaritaano wada.
Ugu danbeyntii Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay sii laba jibaarayaan dagaalada iyo qaraxyada ka dhanka ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Afgooye iyo deegaanada kale ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale