Somaliland oo laga xusayo 26-ka Jun.
26.Jun.2012.HOMELAND.Magaalooyinka maamulka Somaliland ayaa maanta si aan caadi ahayn oo aan horay loo arag looga xusayaa 52-guuradii ka soo wareegtay xiigii Xurnimada ay qaateen gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya.
Habeenimadii xalay saqdii dhexe ayaa laga suray Beerta Xuriyada calanka Maamulka Somaliland uu samaystay, in kastoo la rabay in calanka Buluuga ah ee soomaaliwey laga suro halkaasi maadaama xiligii Gumeystaha laga xuroobay calankaasi la saaray.
Idaacadaha iyo Taleefishinada Maamulka Somaliland ayaa si toos ah u tabinaya maanta munaasabadaasi, halka madaxda maamulkaasina hambalyo iyo bogaadin maalinta xurnimada u dirayaan shacabka Somaliland.
Si kastaba maantay oo kale ayaa ah maalin ku weyn quluubta Ummadda Soomaaliyeed meel kastaba ha joogee waana maalin taariikhi ah oo laga xuroobay Gumeystihii Waqooyi ee dalka Soomaaliya.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale