HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Abuu Muscab “30-Askari Itoobiyaan ah ayaa ku dilnay weerar dhabagal ah duleedka Baydhabo..”.

28.June.2012.HOMELAND.Afhayeenka Ciidanka Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacada Andulus ayaa sheegay in Askar badan Itoobiyaan ah ku xasuuqeen shalay gelinkii dambe duleedka Magaalada Baydhabo.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen Ciidamada Itoobiya uu ahaa mid dhabagal ah, kaasoo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Goof-gaduud iyo Magaalada Baydhabo.

“30-Askari Itoobiyaan ah ayaa ku dilnay weerar dhabagal ah duleedka Baydhabo kula galnay Ciidamada Itoobiya..” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Xarakada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab isagoo intaasi ku daray inay hub fara badan ka furteen Ciidankaasi.

Afhayeenku waxa uu sheegay inay sii socon doonaan weerarada sida xeeladeysan ay ugu qaadaan Ciidamada Huwanta ah ee ka soo horjeeda iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada dowladda KMG gobolka Bay oo ka hadlay warkani ka soo baxay Afhayeenka howlgalada Xarakada Alshabaab ayaa beeniyey, waxayna sheegeen in dagaal kooban uu ka dhacay deegaanka Goof-gaduud, dagaal yahanana uga dileen Xarakada Alshabaab.

Ma ahan markii ugu horaysay xoogaga Alshabaab weeraro ku qaadaan Ciidamada huwanta ah gobolada Bay iyo Bakool.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.