HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Xukuumadda KMG oo sheegtay inay wado qorshooyin ku aadan meelaha dowladda ay qabsato in loo dhiso Maamulo.

05.July.2012.HOMELAND.Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay shaacisay inay Maamulo u dhisayaan goobaha ay qabsadaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya si loo helo kala dambeyn iyo xaqiijinta Amaanka deegaanadaasi.

Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan qorshooyin maamulo cusub loogu dhisayo goobaha  ay qabsadaan Dowladda KMG Soomaaliya.

Cabdi Cali Xasan oo ah Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in maamulada loo dhisayo deegaanada ciidamada dowladda KMG ay qabsadaan ay noqon doonaan kuwo ka soo jeeda dadka deegaanka, islamarkaana ay ku qanacsan yihiin.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka ayuu ugu baaqay in marka goobahaasi maamulo loo dhiso ay ka sameeyaan goobo Caafimaad si dadka ay u helaan Gargaar Caafimaad.

Dhanka kale Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa beenisay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay yaalaan Jagboontiyo fara badan oo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa Xamuulka ee wadadaasi mara looga qaado lacago.

“Waa ay jiraan inay isbaarooyin yaalaan laakiin ma ahan kuwo sida loo sheegayo ah, waxaan  wadnaa qorshooyin la xariira sidii aan uga hortagi lahayn Jagboontiyadaasi” ayuu yiri Cabdi Cali Xasan Wasiiru Dowladdaha Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya.

Ugu danbeyntii waxaa baryahan dambe deegaanad ay la wareegto dowladda KMG Soomaaliya ku soo badanaya isbaarooyinka iyo maamul la’aanta ka jira halkaasi, taasoo sababtay in dadka shacabka ah cabasho ay ka muujiyaan.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.