HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Guluf dagaal oo laga soo sheegayo gobolka Sh/dhexe.

07.July.2012.HOMELAND.Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi saaka laga soo sheegayo guluf dagaal oo ay wadaan Ciidamada Huwanta ah kaasoo ay ku doonayaan inay saacadaha soo socda kula wareegaan Degmooyinka Warsheekh, Aadan Yabaal, Mahadaay iyo Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay ku sugan yihiin saaka deegaanka Golaleey Daa’uud oo duleedka kaga began degmada Balcad waxayna sheegeen in dhaqdhaqaaqyadooda ciidan ku wajahan yahay Magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee kor ku xusan.

Alshabaab oo lagala wareegay degmada Balcad ayaa dhankooda guluf dagaal ka wada Duleedka Degmada Jowhar iyagoo sheegay in dhiig badan uu ku daadan doono degmada Jowhar oo aysan uga bixi doonin si sahal ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe ee Alshabaab.

Dadka shacabka ah ee ku nool gobolka sh/dhexe ayaa sheegay inay dareemayaan dhaqdhaqaaq ciidan iyo guluf dagaal oo ay samaynayaan Alshabaab iyo dowladda KMG oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ee ka socda ururka Midowga Afrika.

Dowladda KMG soomaaliya iyo AMISOM ayaa horay u sheegay inay Alshabaab ka saari doonaan guud ahaan gobolada koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, islamarkaana ay gaarsiin doonaan maamulka dowladda KMG Soomaaliya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.