Mid ka mid ah Wariyayaasha TV-ga Universal oo Muqdisho lagu dhaawacay.
08.July.2012.HOMELAND. Wariye ka tirsan TV-ga Universal ayaa xalay lagu dhaawacay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xaalada caafimaad wariyuhuna uu yahay mid halis ah.
Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaaral) oo ka tirsan TV-ga Universal ayaa xalay kooxo dabley ah oo bastoolado ku hubaysan ku dhaawaceen Afaafka hore ee Hoygiisa oo ku yaala Xaafada Korontada, waxayna wararku sheegayaan in kooxihii dableyda ahaa ku fureen rasaas sababtay inuu dhaawacmo wariyaha la weeraray.
Lugta iyo Caloosha ayaa la xaqiijiyey inay rasaasta ka haleeshay Wariye Kuwaaral, waxaana Wariyaha loola cararay isbitaalka Madiina oo lagu dawaynayo xaaladiisa caafimaad sida ay sheegeen wariyayaal ka tirsan TV-ga Universal Xarunta Magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley waxay noqdeen goob bahalo galeen ay oo lagu ugaarsado Wariyayaasha iyadoo sanadkan gudahiisa degmooyinkaasi dilal iyo Dhawacyo kala duwan loogu geystay dhowr wariyayaal oo ka howlgala idaacadaha iyo TV-yada Magaalada Muqdisho, mana jirto dhaawaca Caawa loo geystay Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaaral) dad loo soo qabtay.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale