HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo bisha Ramadaan ku baaqay dagaal.

08.July.2012.HOMELAND.Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge oo la hadlay Idaacada Andulus ayaa sheegay in ay qorsheynayaan inay la wareegaan goobihii laga saaray, isagoo ku baaqay dagaal culus Bisha Ramadaan.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Bisha Ramadaan ay qaadi doonaan weeraro Culus oo ay ku doonayaan inay dib u qabsadaan gobihii laga qabsaday.

"Bisha Ramadaan waxa aan xoojinaynaa dagaalada Jihaadka ah waxa aan ka saari doonaa Cadowga ku soo duulay goobihii ay naga qabsadeen" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Xarakada Alshabaab.

Dhinaca kale Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalo culus oo maalintii shalay ka dhacay Deegaanka Lambar 50 ee gobolka sh/hoose kasoo dhexmaray Ciidamada dowladda KMG, AMISOM oo isku garab ah iyo Xarakada Alshabaab oo dhinac ah.

Xarakada Alshabaab ayaa horay ugu baaqay dagaalo culus inay qaadayaan Bilaha Ramadaan waxaana sidan oo kale Ramadaankii la soo dhaafay oo ay Alshabaab maamulaysay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo waliba Suuqa Bakaaraha ay sheegeen inay dagaalo culus qaadayaan, lase arki doonee marka la gaaro Bisha Ramadaan ee fooda nagu soo heysa.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.