Cabdi Cali “Qaraxyadii Alshabaab ay ka fulin jireen Muqdisho waa ay yaraadeen…”.
24.July.2012.HOMELAND.Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya Cabdi Cali Xasan ayaa sheegay inay yaraadeen Qaraxyadii Alshabaab ay ka fulin jireen Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya Cabdi Cali Xasan inay ka warqabaan Alshabaab inay mar kasta abaabulaan Qaraxyo, hase yeeshee muddooyinkii dambe aysan jirin wax qaraxyo ah oo ay ka sameeyeen Caasimada Magaalada Muqdisho.
“Qaraxyadii Alshabaab ay ka fulin jireen Muqdisho waa ay yaraadeen, taasina waxay ku timid feejignaanta Ciidamada Dowladda ay ku jiraan iyo sidoo kale Xaqiijinta Amaanka oo ay ku dadaalayno…” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho loo sameeyey Koontaroolo fara badan oo loogu talagalay in lagu xaqiijiyo Amaanka, isagoo dhinaca kalena sheegay in goobaha shirka uu ka dhacayo la dhigay ciidamo gaar ah si ay u sugaan Amaanka.
Ciidamada gaarka ah ayuu ku sheegay inay gaarayaan ilaa 1500 Askari oo tababar qaas ah leh, looguna talagalay inay sugayaan amaanka Hoolka uu ka dhacayo Shirka Ansixinta Dastuurka oo maalinta barito ah lagu balansan yahay inuu furmo.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Muqdisho ay wali ka dhacaan Qaraxyo iyo dilal ka dhan ah Ciidamada dowladda iyo xubnaha kale ee ku jira dowladda, in kastoo qaraxyada ay u muuqdaan kuwo ka yar sidii ay ahaan jireen sanadihii hore ee la soo dhaafay.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale