Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Faroole iyo Madaxda dowladda KMG (Warbixin Dheer).
.jpg)
25.July.2012.HOMELANDMEDIA.NET. Iyadoo maantay shirkii ansixinta Dastuurka uu Muqdisho ka furmay ayaa haddana waxaa jira Khilaaf aan caadi ahayn oo aad u xoogan ayaa mar kale soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan Saraakiisha hogaaminaysa Maamulka Shirka Ergada soo xulaysa Baarlamanka cusub, iyadoo xiisada labada dhinac ay hadda cirka isku sii shareertay, taasoo sababtay in Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda KMG Soomaaliya ay gaareen Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland.
Sida wararku nagu soo gaarayaan Xiisadan ayaa markeedii hore ka dhalatay markii laba Liis ay soo qorteen Odayaasha Dhaqanka Beesha Daarood iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo liis uu gacanta u galiyey Mahiga, waxaana taasi ka dhashay khilaaf aan wali wax natiijo ahi laga gaarin, waxayna ku soo beegmaysaa xili Maalinta Barito Arbacada ka furmo magaalada Muqdisho shirka Ansixinta Dastuurka Cusub.
Warar naga soo gaaray maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay ku sugan yihiin in ka badan 100 Ergo ah oo uu soo xulay inay uga qeybgalaan Shirka Ansixinta Dastuurka kuwaasoo la filayay inay maanta ka dhoofaan Garoowe si ay u gaaraan Magaalada Muqdisho, hase yeeshee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay tirada Faroole soo xushay ee uu doonay inuu u soo dirsado Magaalada Muqdisho.
Isimada iyo Nabadoonada Beelaha gobolada Mudug, Bari iyo Sanaag oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa gudbistay iyagu Liis Ergooyinka Beelahooda, waxayna sheegeen in liiska uu soo qoray Faroole uusan matalin Beelahooda islamarkaana Beel kasta uu ka mas’uul yahay Isinkeeda taasoo Madaxweyne Faroole uu ku gacanseyray, waxayna abuurtay in khilaaf cusub mar kale soo kala dhexgalo hogaamiyaha Puntland iyo Madaxda Shirka Ansixinta Dastuurka ee dowladda KMG Soomaaliya.
Haddaba si dhammaan Arrimahaasi oo dhan loo xaliyo waxaa Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland gelinkii dambe ee shalay gaaray Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG oo uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda KMG C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo maanta gaaray Magaalada Garoowe waxayna caawa kullan aan caadi oo saxaafada dibad joog ka tahay ay la leeyihiin Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ka mid ah Lixda Saxiixayaasha Qariidada Nabada ee Road Map-ka.
Kullanka waxaa looga hadlayaa is marinwaaga u dhaxeeya Dowladda KMG iyo Faroole kaasoo salka ku haya tirada Ergooyinka Maamulka Garoowe u dirsanayo shirka Ansixinta Dastuurka oo sida qorshuhu yahay lagu wado inuu Bari Arbaco ka furmo magaalada Muqdisho.
In kastoo aan saxaafada loo ogolaan inay caawa ka qeyb galaan shirkaasi ayaa haddana warar lagu kalsoonaan karo oo soo gaaray Shabakada Homelandmedia.net waxay tibaaxayaan in ay is mari la’yihiin xubnaha ka socda dowladda KMG iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo diidan tirada Ergada Garoowe la doonayo inay ka amba baxaan.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Garoowe ay diyaar ku yihiin Ergadii Puntland oo gaaraysa ilaa 102 xubnood oo Faroole u soo xulay inay shirka Dastuurka lagu ansixinayo uga qeyb galaan, iyadoo diyaaradii qaadi lahaydna ay taagan tahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe, hase yeeshee ismarin waaga jira awgeed ay keentay inaysan diyaarada soo kicitimin.
Tirada Ergada Faroole laga rabo.
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa u sheegtay Mr. Faroole inuu diyaarada soo saaro 30 xubnood oo uga qeybgala shirka Ansixinta Dastuurka, maxaa yeelay beelaha Gobolada Sool, Mudug iyo Bari waa ay soo xusheen Ergadooda waana tan ugu weyn ee la isku mari la’yahay.
Ugu danbeyntii lama oga in Xubnaha Wasiirada Madaxweyne Shariif u soo diray inay xaliyaan Khilaafka oo Caawa ku hoyanaya Garoowe ku guuleysan doonaan inay xaliyaan isla markaana Faroole ku qanciyaan in kaliya 30 Xubnood diyaarad soo saaro halka uu horay u sii diyaarsaday ilaa 102 xubnood.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale