Wajiga labaad Shirka Ansixinta Dastuurka oo ka socda Magaalada Muqdisho.
26.July.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Shirka Anixinta Dastuurka oo maalintii shalay ka furmay Dugsiga Akadeemiyada Booliska Janaraal Kaahiye ayaa galay maanta oo Khamiis ah wajigii labaad.
Ergooyinka Ansixinta Dastuurka ayaa la filayaa in maanta ay guda galaan Ajandaha horyaala oo ku aadan ka dooditaanka qodobo ka mid ah Dastuurka cusub ee Dalka Soomaaliya.
Shirkan oo la sheegay inuu socon doono muddo sagaal maalmood ah waxaa saaka gaaray hoolka shirka madaxda dowladda KMG Soomaaliya si loo sii amba qaado ajandayaasha horyaala Ergada Ansixinta oo laga doonayo inay Ansixiyaan Dastuurka kadibna ay soo xulaan Baarlamanka Cusub ee dalka uu yeelanayo si looga baxo KMG-nimada.
Si kastaba ha ahaatee Ergada Ansixinta Dastuurka oo gaaraya 825 ayaa laga doonayaa inay Ansixiyaan Dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya uu yeelanayo, kadibna soo xulaan Baarlamanka cusub si loo helo dowladd Cusub oo aan KMG ahayn.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale