Ergada Ansixinta Dastuurka ee ka socota Somaliland oo cabasho muujiyey.
28.July.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Shirka Ansixinta Dastuurka cusub ee soomaaliya xili uu si caadi ah uga socdo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya cilado kala duwan oo ay muujinayaan Ergooyinka ka qeyb galaya shirkaasi.
Ergada Ansixinta Dastuurka ee ka socota maamulka Somaliland ayaa waxay cabasho ka muujiyeen dhinaca dhaqaale xumo soo food saartay intii ay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho.
Afhayeenada Ergada Ansixinta Dastuurka Maamulka Somaliland Hodon Cige Maxamad ayaa sheegtay in dhaqaale xumo daran ay soo wajahday, waxayna tilmaamtay in Magaalada Muqdisho ay soo gaareen 9-kii Bishan ilaa iyo haddana aysan jirin cid si wanaagsan u soo dhawaysay.
“ma jirto cid naga taageertay dhanka dhaqaalaha, Ergada Somaliland u matalaysa ilaa iyo hadda jiibkooda ayay iska fangareeyaan” ayay tiri Afhayeenadaasi u hadashay Ergada Ansixinta Dastuurka uga qeyb gala Maamulka Somaliland.
Sidoo kale afhayeenada waxay ku hanjabtay inay isaga bixi doonaan shirka haddii aan wax laga qaban dhaqaale la’aanta soo wajahday, islamarkaana dib ugu laaban doonaan goboladii ay ka yimaadeen.
Ugu danbeyntii xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay jiraan dhaqaale xumo ka jirta horusocodka shirka Ansixinta Dastuurka dhinaca dhaqaalaha lagu fangarayn lahaa, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka inay bixiyaan dhaqaalahaasi loogu talagalay Ansixinta Dastuurka Cusub.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale