HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 IGAD iyo dowladda KMG oo ku heshiiyey Maamul loo sameeyo gobolada Jubooyinka.

28.July.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Dowladda KMG Soomaaliya iyo urur Goboleedka IGAD ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo, iyadoo wafdi ka yimida Magaalada Neyroobi kullan kula yeeshay Madaxda dowladda KMG Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Wafdigan oo ka socda ururka Midowga Afrika ay kullan la yeeshen Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG C/weli Maxamad Cali Gaas iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Baarlamanka KMG ah waxayna ka wada hadleen sida wararku nagu soo gaareen maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Dood dheer kadib Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa garwaaqsaday muhiimada ay leedahay maamul u samaynta gobolada Jubooyinka, isagoo wafdiga u sheegay inuu guddi u saari doono shirka ka socda Magaalada Neyroobi si ay uga qeyb galaan dhamaytirka shirkaasi.

Col: Ciilmooge oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG gobolada Jubooyinka oo ka qeyb galay shirka ayaa sheegay In is faham uu ku dhammaaday wafdigii ka yimid Magaalada Neyroobina dib ugu laabteen.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Shariif ayaa dhawaan laba u kala qeybiyey gobolka Hiiraan, isagoo haddana wada sidii uu ku taageeri lahaa maamul cusub oo loo sameeyo gobolada Jubooyinka.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.