HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Taliska Nabad sugida gobolka Banaadir oo ka hadlay Qaraxii Xarunta Shirka.

02.Agoosto.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay Saxaafada aya sheegay inay ka warqabeen in laba ruux isku qarxin rabeen Xarunta Shirka uu ka soconayo ee Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho, balse ay ka hortageen ciidamada nabad sugida Gobolka Banaadir.

Khaliif Axmed Ereg ayaa sidoo kale sheegay inay hayeen Xog fara badan oo si taako taako ah ay ula socdeen labada Ruux ee shalay isku qarxiyey Iskuul Buluuziyo, islamarkaana mid ka mid ah labadaasi ruux uu watay Kaar aqoon Bug ah oo Cabdala Shideeye ah iyo Dukumiintiyo kale.

Taliyaha ciidamada Nabad sugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg waxa uu mahad  u celiyey Ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi kana hortagay weerarkaasi inuu ka dhaco gudaha Xarunta shirka oo qorshaha ismiidaamiyayaashu ahaa, laakiin banaanka hore Xarunta Iskuul Buluuziyo qaraxa uu ka dhacay laguna fashilay sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxii shalay ka dhacay Xarunta Shirka iskuul Buluuziyo waxaa sheegtay mas’uuliyad ahaan Xarakada alshabaab oo dagaalo kula jira Dowladda KMG iyo Ciidamada Shisheeye waxayna saraakiisha Warfaafinta Xarakada Alshabaab ay sheegeen inay weerarkaasi ku bartilmaameedsadeen Ergada Ansixinta Dastuurka.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.