Maxaad kala socotaa halka uu marayo Qiimaha ka mid noqoshada Baarlamanka Cusub!!!.

06.Agoosto.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Ceeb kuma ahan cid kasta oo Soomaali ah islamarkaana xil ka heysa Dowladda KMG ama howlo gaar ah loo magacaabo in dadkaasi ay Danaha Ummadda Soomaaliyeed ka hormariyaan dano dhaqaale, iyagoo fiirsanaya haddba ruuxa ay ka helayaan Boqolaal Doollar oo ay ku moodaan Bilaha hore.
Odayaasha Jeeb weynayaasha ee loo yaqaan Afar Jeeble oo loo xil saaray inay soo xulaan Baarlamanka cusub oo in muddo ah Saaxada Siyaasada dibad joog ka ahaa oo aan wax jago ah uga banaanayn ayaa bilahan dambe fursad iyo neecaaw u arkay markii loo xil saaray in ay soo xulaan Ergada ansixinta Dastuurka, markii ay Dastuurka meel mariyeena loo diray inay Odayaasha soo xulaan, taasoo noqotay yaa jeeb weyn oo aan xildhibaan u qornaa..?.
Halka uu marayo Qiimaha Xildhibaanka cusub ee lagu darayo Liiska ayaa ka gaaray Magaalada Muqdisho qiimo aad u sareeya, iyadoo dadka Aqoonta leh, Howlkarka ah, Wadaniyada iyo Cilmiga badan ay fursad u la’yihiin in loo soo xusho Baarlaman ahaan, waxaana kuwaasi badalay koox Dhaqaale farqaha kuwata iyo kuwa musharaxiinta ay dhaqaale ku harqinayaan si ay marka ay booskaasi gaaraan Codadkooda ugu shubaan si ay Doorashada ku soo baxaan.
Madaxweynaha Dowladda KMG,Ra'iisal wasaarha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ayaan ka marnayn Dadka dhaqaalaha ku bixinaya Xildhibaanada cusub, iyadoo qaar ka mid ah Guddiga soo xulida Baarlamanka cusub ay xiriiro la sameeyeen Madaxdaasi iyagoo u sheegaya in ay Xildhibaano ay wataan liiska ku daraan, taas badalkeeduna ay qataan dhaqaale.
Taxliilayaasha siyaasada soomaaliya ayaa sheegaya sida ay wax uga socdaan Soomaaliya inay tahay mid Qatar teeda leh, islamarkaana dowladda KMG ah u keeni karta fashil, waayo Xildhibaano aan wax shahaado ah heysan, danbiilayaal ah, Aqoona aan lahayn ayaa la tilmaamayaa inay ku jiraan liisaska la gudbiyay kuwaasoo u muuqdaan koox ka mid noqoshada Baarlamanka cusub iibsaday, haba ugu badnaadeen kooxda loo Iibinayo.
Ugu danbeyntii musharaxiinta Soomaalida qaarkood ayaa ku jira xaalad adag, maxaa yeelay mid waliba waxa uu si gaar ah baadi goob ugu jiraa Xildhibaan uu booska Geysto si Codka uga helo, iyadoo shirarka iyo nuxnuxda lagula jiro Odayaasha Dhaqanka laga dareemayo Hoteelada iyo meelaha Café-ga lagu cabo, lase arko doonee 20-ka Agoosto iyo Doorashada soo socota ee la filayo cida ku soo baxda.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale