Beesha Habar-gidir oo ku Afar-Afareystay in Musharaxa Beeshaasi uu noqdo Danjire C/llaahi Axmed Caddow.
.jpg)
07.Agoosto.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Shirar kala duwan oo ay Beesha Habar-gidir uga wada arrinsanayeen cidii Beesha u matali lahayd Musharaxa Jagada Madaxweynenimo ayay cod ay u qaadeen waxa ay ku Afar-afareysteen in Danjire C/llaahi Caddow oo marar badan ka qeyb galay Tartamo Doorashooyinka Xilka Madaxtinimada Soomaaliya, laakiin nasiib wali uma uusan yeelan inuu ku guuleysto.
Shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 9-Musharax ayaa dhammaantood waxa ay beesha ka codsadeen in mid walba isaga lagu taageero, hase yeeshee qudbado dhaa-dheer kadib waxaa loo qaaday Cod bixin uu ku guuleystay C/llaahi Axmed Caddow oo Beesha Habar-gidir isku raacay in tartanka uga qeyb galo inta kalena garab ku siiyaan sidii Musharaxaasi ka socda Beeshaasi ugu guuleysan lahaa Xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Ugu danbeyntii C/llaahi Axmed Caddow ayaa laba mar oo hore oo uu isku soo sharaxay jagada Madaxtinimo waxaana labadaasi jeerba ka kala guuleystay Dr. C/qaasim Salaad Xasan (Doorashadii Carta) Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed (Doorashadii Empagati), haddana lama oga in tartankiisa Saddexaad oo Beesha Habar-gidir isku raacday inuu uga qeyb galo ku guuleysto iyo in kale, wallow warar hoose ay sheegayaan in ay adag tahay C/llaahi Axmed Caddow loo magacaabo Madaxweyne Soomaaliyeed, maadaama ay tartanka la filayo inuu dhaco ay u taagan yihiin Musharaxiin fara badan oo loo saadaalinayo inay qabtaan Xilkaasi.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale