Prof: Gaandi iyo Axmed Madoobe oo lagu soo daray Liiska Xildhibaanada Cusub.
07.Agoosto.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Sheekh Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) iyo Prof: Maxamad Cabdi Gaandi ayaa waxaa lagu soo daray Liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka KMG Soomaaliya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho ka soconayay dadaalo ay wadaan Odayaasha Dhaqanka beelaha Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta doonaya inay noqdaan Xildhibaanada Cusub.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Baarlamanka cusub ay ka mid noqdeen qaar ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ee la diidanaa inay Baarlamanka Cusub galaan, waxaana la xaqiijiyey in Sheekh Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) iyo Prof: Maxamad Cabdi Gaandi beeshooda u soo xulatay inay Baarlamanka ka mid noqdaan.
Labadan Hogaamiye kooxeed oo Caan ka ah dalka Soomaaliya waxay kala hogaamiyaa Gaandi oo ah Madaxweynaha Maamulka Azania iyo Sheekh Axmed Madoobe oo ah Guddoomiyaha ururka Hubaysan ee Raaskambooni oo hadda dagaal kula jira Xarakada alshabaab horayna uga mid ahaa ururkii Burburay ee xizbul Islaam.
Warar hoose ayaa sheegaya in fashil ku dhammaaday qorshihii muddooyinkii la soo dhaafay ay dabada ka riixaysay dowladda Kenya ee ahaa Maamulkii Azaaniya ee Gaandi, taasina waxay keentay inuu boos ka qaadsado beesha Absame Daarood ugana qeyb galo dowladda KMG isagoo matalaya Baarlamanka cusub ee Beeshaasi.
Waxaa horey loo shaaciyey in baarlamaanka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya aysan ka mid noqon Hagaamiye kooxeedyo dagaal, balse waxaa soo baxaya in baarlamanka cusub ay ka mid noqon doonaan hogaamiye kooxeedyo dhibaatooyin ka geystay Koonfurta Soomaaliya.
Ugu danbeyntii dowladda Kenya ayaa ku cadaadisay dowladda KMG in labadaasi hogaamiye kooxeed lagu daro Liiska Baarlamanka Cusub isla markaana aan wax shuruud ah la galin, lamana oga in la aqbali doono maadaama horay loo shaaciyey in dambiilayaal dalka dagaalo oogayay iyo qof aan aqoon lahaynba aan loo soo xulan Baarlamanka Cusub.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale