Dowladda Kenya oo Cunaqabataynaysa Hogaamiye kooxeedkii cuuryaamiyay Nabada iyo xiliga kala guurka.
18.Agoosto.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Dowladda wadanka Kenya ayaa shaacisay inay Cunaqabatayn culus ku soo rogayso hogaamiye kooxeedka banaanka isa soo dhigay ee Curyaaminaya nabada iyo Xiliga kala guurka dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Kibaki ayaa sheegay in Dowladdiisu ay diyaar u tahay inay cunaqabatayso dadka banaanka isa soo dhigaya ee curyaaminaya nabada iyo Xiliga kala guurka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan isku day kasta oo la doonayo in la dhumiyo qorshaha hirgelinta Siyaasada ee Road Map-ka ee la doonayo in looga baxo xiliga ku meel gaarinimada.
Wuxuu sheegay Kibaki inaan marnaba loo dul qaadan doonin dadka Carqaladeynaya Road Map-ka oo uu tilmaamay inay tahay wadada kaliya ee xal waara looga gaaro karo Dalka Soomaaliya.
“Hogaamiye kooxeedyada iyo dadka kale ee doonaya inay jahwareershaan nabada Soomaaliya waxaan ku qabsan doonaan waxyaabaha ay ku dhaqaaqaan, ka dowlad ahaan Kenya waxay si aan gambad lahayn u soo bandhigeynaa inaan Cunaqabatayn Culus ku soo rogayna” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Kibaki.
Sidoo kale waxa uu si weyn u soo dhaweeyey dastuurka Dalka Soomaaliya ee dhawaan la ansixiyey isagoo sheegay inay ahayd horumar weyn oo qiime leh oo dhinaca Hirgelinta Qorshaha Road Map-ka laga gaaray.
Kibaki waxa uu soo dhaweeyey Xubnaha Baarlamanka Cusub ee la soo gudbiyey iyo doorashada Afhayeenka, iyo ku xigeenkiisa oo dhawaan la filayo inay dhacaan iyo sidii kale doorashada Madaxweynaha taasoo uu sheegay in lagu gaarayo dowladd Rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.
Ugu danbeyntii warkan ka soo baxay dowladda Kenya ayaa imaanaya xili Liiska Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya laga waayay hogaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya, kuwaasoo dhammaan loo diiday inay ka mid noqdaan Baarlamanka cusub, waxaana looga digay haddii ay carqaladeyn ku sameeyaan sida ay howlaha ku socdaan la Cunaqabataynayo.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale