Ciidamada Huwanta oo u dhaqaaqay Marka iyo mahaalada Kismaayo
26.Agoosto.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Saan-saan colaadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan ayaa ka taagan Deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose iyo Jubada Hoose halkaasoo ay u dhaqaaqeen Ciidamada Huwanta.
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka N0:60 ayaa sheegaya in ay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ka wadaan Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa dowladda KMG, iyadoo dadka deegaanadaasi ay isaga barakaceen Magaalada Marka deegaanada ku dhow, markii ay Ciidamada Huwanta ku soo ruqaan sadeen.
“Waxaan aragnay Ciidamada Huwanta oo dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Afgooye, waxay u kolonyeysteen dhanka Magaalada Marka” ayuu yiri ruux ka mid ah dadka deegaanka Magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.
Saraakiisha Ciidamada AMISOM waxay sheegeen in duulaankooda uu ku wajahan yahay Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose, dhaqdhaqaaqaas oo ay sheegeen inuu yahay midkii ugu dambeeyey oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan Magaalada Marka.
Dhinaca kale waxaa dhaqdhaqaayo xoogan laga soo sheegayaa gobalada Jubooyinka,halkasoo sarkaal u hadlay ciidamada dowlada Sooomaaliya uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ula wareegayaan magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada Hoose.
Ugu danbeyntii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay la wareegayaan Magaalooyinka Kismaayo, Marka, Jowhar, Ceelbuur iyo magaalooyin kale halkaasoo ay maamusho Xarakada Alshabaab.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale