Caydiid Ilka Xanaf oo sheegay in guddoonka Baarlamanka Xaq u lahayn inuu celiyo Xildhibaanada ay Maxkamadu go’aanka ka gaartay.
01.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya AVV Caydiid C/laahi Ilka-xanaf ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhaarintii Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen iyo sidoo kale xildhibaanadii loo diiday Baarlamaanka ee ay Maxkamaddu sare go’aam,isay inay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ka mid noqdaan.
Guddoomiye Caydiid waxa uu sheegay in Guddoonka sare ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uusan xaq u laheyn inuu soo celiyo, loona diido inay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub, isla markaasna la dhaarin-waayo xildhibaanadii ay Guddiga Farsamada diideen ka dibna ay Maxkamadda sare go’aanka ka gaartay, kuna amartay Guddoonka sare in la dhaariyo xildhibaanadaasi, maadaama aan sharci loo heyn sida uu yiri wax dembi ah oo ay galeen xildhibaanada la diidanyahay.
Abuukaate Caydiid Ilka Xanaf oo ah Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in la dhaariyo xubnaha ay soo gudbisay maxamadda sare ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in dadkii ay soo gudbisay maxkamadda sare ay yihiin sharci, isla markaasna aanan la hor istaagi karin loona baahanyahay in la dhaariyo oo ay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Maxkamadda sare Caydiid Ilka xanaf ayaa ka soo horjeestay dhaarintii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa uu dhaariyey mudane ka tirsan Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in Maxkamadda sare oo keliya ay xaq u leedahay inay dhaariso Guddoonka sare ee Baarlamaanka, xidlhibaanada iyo cid kasta oo maamulka dowliga ah qabaneysa.
Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa yimid ka dib markii ku dhowaad 20 ruux oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya iyo siyaasiin si sharci daro ah loo diiday inay ka soo mid noqdaan Baarlamaanka csub ee Soomaaliya, isla markaasna ay Maxkamadda sare sheegtay inaan wax dembi ah lagu heyn, ayna ka mid noqon karaan Baarlamaanka cusub, ka dib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sheegay in xildhibaanada la isku heysto xilalkooda Guddi gaar ah loo saarayo.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale