HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Shariif Xasan  “Dalka Kenya waxaan u tagay sidii aan kala soo hadli lahaa arrimo la xiriira sidii…”.

02.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka Soomalia oo dhowrkii maalmood ee tagay ku maqnaa dalka Kenya oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuusan waxba ka jirin wararka ay faafiyeen warbaahinta qaarkeed oo sheegtay in dalka Kenya uu kala soo hadlayey arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha badda Soomaaliya midna. 

“Aniga Madaxwayne ma ihi mana ka gaari karo go’aan kaligay arimaha bada Soomalia waa mid aan suuragal aheyn hadalada la sheegay, marka waxba kama jiraan ayaan ku tilmaami lahaa hadalka sheegaya inaan arrimaha badda kala hadlay dowladda Kenya, safarka Kenya aan ku tagay waxa uu ahaa mid ii gaar ah iyo arrimaha dhiman ee heshiis sxiixayaasha Road Map-ka” ayuu yiri Shariif Xasan oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mar la weydiiyey Shariif Xasan sababta kaliftay inuu safar kedis ah ku aado dalka Kenya wax yar ka dib markii la doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in sababta uu u gaaray dalka Kenya ay tahay inuu dowladda Kenya kala soo hadlayey sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman qorshaha nabad Soomalia ee Road mabka iyo arimo kale oo isga u gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.