Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo ka codsaday Xildhibaanada Cusub inay codadkooda ku taageeraan Musharax….
04.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Kadib kullan aan caadi ahayn oo ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayay si cad siyaasadooda Oday Beeleednimo ku taageereen Siyaasiga ahna Musharax Madaxweyne Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka codsadeen Xildhibaanada Baarlamanka Cusub inay codadkooda ku taageeraan Musharax Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Waxay sheegeen Odayaashu inuu yahay Prof: Xasan Sheekh Maxamuud Nin wax badan ka badali kara xaalada dalka uu ku jiro maanta, islamarkaana uu yahay nin aqoon yahan ah oo u qalma jagadaasi.
Dhinaca kale Musharax Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay inuu yahay Musharax, isagoo sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha uu u qabanayo haddii uu ku guuleysto Qabashada Xilka Madaxtinimada Soomaaliya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in uu karti u leeyahay fulinta howlaha adag ee horyaala cidii qabata jagada Madaxtinimada Soomaaliya.
Ugu danbeyntii magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya kullamada noocaani oo kale ah oo lagu taageerayo musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Soomaaliya u taagan, iyadoo aan la ogayn baaqan Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye u direen Xildhibaanada Cusub inay codadkooda ku siin doonaan Musharax Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana naga xasuusin ah in ay jiraan Musharaxiin fara badan kana soo jeeda Beelaha Hawiye.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale