Musharaxiinta ugu cad-cad Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya (Warbixin).
05.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Dalka Soomaaliya waxa uu galay xaalad ka duwan xaaladihii hore iyadoo dowladdihii dalka soo maray oo dhammaantood ahaa kuwo KMG ahaa wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa waxaa hadda soconaya qaban qaabo Doorasho Madaxtinimo si loo helo dowladd Rasmi ah oo aan KMG ahayn, islamarkaana aanan lagu soo dhoob dhoobin dalka dibadiisa.
Haddaba Xilka Madaxtinimada Soomaaliya waxaa ku loolamaya musharaxiin fara badan qaarkood way is casileen sabab waliba ha uga haraane, halka kuwo kale oo fara badan islamarkaana gaaraya ilaa 35 Musharax ay ku adkeysanayaan inay ka qeyb galaan Doorashada oo lagu balansan yahay 10-ka Bishan oo ku beegan maalinta Axada ee todobaadka dambe haddii uu alle qadaro.
Musharaxiinta ugu cad-cad doorashada ayaa waxay kala yihiin Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore Soomaaliya, waa masuul taageero dibad iyo mid gudo ka heysta Beesha Caalamka, Xildhibaanada Cusub iyo dad kale oo Qurba joog ah, sidoo kale dhaqaale fara badan ayuu ka helay ganacsato iyo dad kale oo si gaar ah u danaynaya inuu tartanka mar kale dib ugu soo baxo.
C/weli Maxamad Cali Gaas Ra’iisul Wasaarihii hore waxa uu ku fadhiyaa aduun lacageed uu ka shaqshaqday Xukuumadii waqtigeedu dhammaaday iyo lacago kale oo uu ka helay Beesha Majeerteen ee uu ka soo jeedo, iyadoo ay dhici karto in tartanka uu ku soo baxo ama heerka Finalaha soo gaaro.
Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii horay loogu tashtay lagana tuuray xilkii uu ka hayay dowladdii KMG ahayd ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada islamarkaana heysta kalsooni shacab, waxaana dhici karta inuu guul ka gaaro doorashada 10 ka bishan lagu balansanyahay inay ka dhacdo Caasimada Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Prof: C/raxmaan Baadiyow ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad kuna tartamaya inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Soomaaliya.
Musharaxiintan aan kor ku soo xusnay magacyadooda ayaa si weyn ugu tartamaya Suuqa Cusub ee kala iibsiga Codadka Xildhibaanada, waxaana la leeyahay wax wal wal ah kama qabaan in ay waayaan saxiixa Xildhibaanada iyo codadkooda, hase yeeshee waxa ay rabaan in si joogto ah ay u helaan Codadka, waxayna diyaar la yihiin bixinta qiima kasta oo uu gaaro codka Xildhibaanka Cusub ee Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Doorashada Madaxweynaha oo ah waxa kaliya ee ka harsan Dowladnimada rasmiga ah ayaa noqotay maalmahan hadal heynta aanan marnaba maskaxda ka faaruqin, waxaana soo ifbaxaya Musharaxiin badan oo ka tanaasulaya damacii ay ka lahaayeen kadib markii la hordhigay shuruudo adag oo aysan ka gudbi Karin dhammaantood marka laga reebo qaar ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad, lase arki doonee 10-ka Bisha kadib waxa iska badala xaalada Soomaaliya oo la saadaalinayo inay hogaan cusub oo aan KMG ahayn yeelan doonta 4-sano ee Dambe.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale