HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Xaalad Qatar ah oo soo wajahday Qurba joogta Soomaalida ee ku qulqulaya Magaalada Muqdisho.

05.Sep.2012.HOMELANDIA.NET.Qaar ka mid ah qurba joogta Soomaalida ee dalka dib ugu laabtay ayaa bilaabay qaarkood waxaa dhici kareysa inay dib ugu laabtaan dalalkii qurbaha oo ay ka yimaadeen muddo 21 sanadood kadib, iyadoo arrintaasina loo sababaynayo arrimo amaan iyo ku hungoobid damaca Madaxtinimada Soomaaliya.

Kadib markii laba habeen ka hor Xaafada Baar Ubax lagu qaarajiyey mid ka mid ah dadka Qurba joogta waxaa cabsi iyo walwal ay soo wajahday qurba joogta oo magaalada Muqdisho si aan caadi ahayn dib ugu laabtay, iyagoo ku kifaaxaya is badalka ka dhacay dalka gaar ahaan Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale qurba joogta ayaa sheegay markii ay ku guuldareysteen inay ka qeyb galaan Musharaxnimada Soomaaliya oo Shuruudo adag la is hordhacay ay bilaabeen inay dib u laabtaan.

Mid ka mid ah Dadka Qurba joogta oo aan kula kulmay mid ka mid ah Hoteelada Magaalada muqdisho ayaa u sheegay Warsidaha Homelandmedia.net inuu dib ugu laabanayo dalka Mareykanka oo markii hore ka yimid isaga iyo koox kale oo asxaabtiisa ah, kadib markii Shuruudihii looga qeyb galayay tartanka madaxtinimada ay adkaatay.

Ninkani ka midka ah Qurba joogta sidoo kale waxa uu sheegay inay walwal iyo cabsi ku abuurtay dilal ugaarsi ka dhan ah Qurba joogta oo magaalada Muqdisho ka bilaabtay sida uu yiri, isagoo tusaale u soo qaatay laba habeen ka hor Ninkii ka midka ahaa Qurba joogta ee lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii dib u laabashada qurba joogta ayaa imaanaysa xili muddooyinkii dambe si aan caadi ahayn magaalada u soo gaareen Qurba joogta oo qaarkood bilaabay inay dalka Maalgashi ku samaystaan, halka qaarkoodna tartamo ugu jira inay xilal kala duwan ka helaan dowladda Cusub ee Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd Wasiiro, Qaarkood waa Xildhibaano intooda badan halka kuwo kalena ay ka mid yihiin Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

 

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.