Degmada Warsheekh oo gashay gacanta dowladda KMG Soomaaliya.
08.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Warar hadda naga soo gaaray Degmada Warsheekh ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kadib markii halkaasi isaga baxeen Maamulkii Xarakada Alshabaab ee degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG goordhow oo hadda ah dhanka Xeebta ka soo galeen, mana jiraan wax dagaalo ah oo ay kala kulmeen dagaal yahanada Xarakada Alshabaab Degmada Warsheekh ee gobolka Sh/dhexe.
Afhyeenka Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Degmada Warsheekh una dhaqaaqeen Ciidamada is garabsanaya dhanka Degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.
“Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG wax iska caabin ah lama kulmin waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Degmada Warsheekh” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo ka hadlay la wareegitaanka Degamda Warsheekh.
Ugu danbeyntii dhawaan ayay ahayd markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay la wareegeen Deegaanka Ceelmacaan halkaasoo ay kala wareegeen Xarakada Alshabaab.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale