Xiisado ka jira Jowhar iyo Ciidamada Huwanta oo kaabiga ku haya.
09.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in saaka ciidamada Huwanta ah ka dhaqaaqeen degmadaasi iyagoo ku sii jeeda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG oo wata taangiyo iyo hub aad u fara badan ayaa saaka ka dhaqaaqay degmada Balcad waxayna saraakiisha oo aan la xiriirnay inoo sheegeen inay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinoow ayaa xaqiijiyey in Ciidamada huwanta ay saaka ka dhaqaaqeen fariisimo ay ku lahaayeen duleedka degmada Balcad, waxaana uu sheegay inay isla maanta qorsheynayaan inay la wareegaan magaalada Jowhar sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidamada Huwanta waxay saaka ka dhaqaaqeen Balcad waxaana qorsheynaynaa inaan Jowhar gaarno saacadaha soo socda” ayuu yiri Cabdi Jiinoow oo ah Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe dowladda KMG Soomaaliya.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in xaalada magaalada ay kacsan tahay islamarkaana Xarakada Alshabaab ay dhaqdhaqaaqyo iyo abaabulo ay ku difaacayaan magaalada ka wadaan duleedka magaaladaasi.
Ugu danbeyntii lama oga xaalku sida uu noqon doono saacadaha soo socda, kadib markii Ciidamada Huwanta ay u dhaqaaqeen dhanka Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale