C/weli Gaas oo Xod-xodasho ugu jira sidii mar kale looga dhigi lahaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
14.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Maxamad Cali Gaas oo qeyb ka ahaa Isbadalkii looga guuleystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Xod-xodasho ugu jira sidii uu mar kale dib loogu soo magacaabi lahaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorashada dalka ka dhacday 10-kii September ayaa loogu baaqay inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare karti leh kana saari kara dalka iyo dadka dhibaatada 21-jirsatay.
C/weli Maxamad Cali Gaas oo qaab siyaasadeysan codadkii uu ku lahaa doorashadii dalka ku wareejiyey Madaxweynaha Cusub ayaa taasi badalkeeda Xod-xodasho ugu jira in loo soo magacaabo Ra’iisul Wasaare isagoo ka bixi la’a Hotelkii sida KMG uu u daganaa Madaxweynaha iyo Xarunta Madaxtooyada oo maalintii shalay la dajiyey.
Dhanka kale waxaa jira balan horay u dhexmartay Madaxweynaha Cusub Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo oo ah ninka ugu shacbiyada badan Ummadda Soomaaliyeed, balantaasoo dhexmartay ka hor intii aanu la galin Doorashadii dalka ka dhacday.
Labadan masuul ayaa ku balamay in haddii Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleysto doorashada uu soo magacaabo Farmaajo dibna loogu doorto Ra’iisul Wasaare hase yeeshee lama oga is badalka ku iman kara Madaxweynaha Cusub.
Dowladdaha Kenya, Itoobiya oo maamulka Puntland cilaaqaad la leh ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Cusub inuu soo magacaabo C/weli Maxamad Cali Gaas, laakiin madaxweynaha wax jawaab ah kama siin dalabyadaasi oo si maldahan loo hordhigay maalintii daraad ka hor intii qaraxa uu ka dhicin Hotel Al-Jaziira.
Sidoo kale Faroole ayaa aad u danaynaya in dib loo soo magacaabo C/weli Maxamad Cali Gaas ama nin ka soo jeeda Beelaha Majeerteen Puntland, laakiin waxay bulshada Soomaaliyeed dalka gudahiisa iyo dibadiisa ay ka codsadeen Madaxweynaha in xubinta dhiman ee Ra’iisul Wasaaraha u soo magacaabo Farmaajo waa haddii uu dalka ka doonayo in horumar uu gaaro lana helo nabad geliyo waarta oo tan ka hadda ka jirta Muqdisho iyo magaalooyinka kale ka sii wanaagsan.
Ugu danbeyntii lama oga Xod-xodashada C/weli Gaas ugu jiro in loo soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya inuu ku guuleysan doono iyo in uu guuldaraysan doono, iyadoo wax waliba ay ku xiran tahay go’aanka madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo laga wada sugayo ku dhawaaqida Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka Soomaaliya kaasoo aan si dhab ah loo ogayn cida uu u soo magacaabi doono.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale