HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Banaanbaxyo xalay ruxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

15.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Banaanbaxyo aad u waawayn oo ay dhigeen boqolaal dadweyne aad u caraysan ayaa xalay waxay ka dhaceen Degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley banaanbaxyadaasoo lagaga horjeedo Filimka lagu sameeyey dalka Mareykanka ee gefka loogu geystay Nabi Muxamad NNKH.

Banaanbaxayaasha oo xalay socod dheer ku soo maray xaafadaha kala duwan degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley waxay ku dhawaaqayeen kalmado ka dhanka ah raggii soo saaray Filimkaasi iyo dowladda Mareykanka.

Wadooyinka xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa si aad ah looga dareemayay banaanbaxyadaasi oo soo gaaray ilaa xalay saqdii dhexe, waxayna dadkaasi muujiyeen sida ay uga xun yihiin Filimkaasi lagu aflagaadeeyey Islaamka.

Magaalooyin waa wayn oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa shalay waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo filim soo saarayaashi Dalka Mareykanka iyo Maamulka Israel, waxaana ka mid ah wadamada banaanbaxyada waa wayn ay ka dhaceen shalay Masar,  Tunisia, Yemen, Lubnan, Sudan, Qadar, Liibiya, Iiraan, Oman iyo dalal kale oo fara badan.

Ugu danbeyntii waxaa la filayaa in maanta degmooyin kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhacaan banaanbaxyo lagu muujinayo sida Ummadda Muslimiinta ah uga xun yihiin falkaasi foosha xun oo ay ku kaceen filim soo saarayaashii Dalka Mareykanka iyo Maamulka Israel oo soo saaray Filim lagu aflagaadeeyey nabigeena Muxamad NNKH.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.