Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyey wada hadal lala galo Alshabaab.
17.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Kadib markii madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud shaaca ka qaaday in wada hadal lala furo dagaal yahanada Xarakada Alshabaab ayaa waxaa warkaasi siyaabooyin kala duwan u soo dhaweeyey shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.
Qebaha kala duwan Bulshada magaalada Muqdisho oo la hadlay saxaafada magaalada ayaa soo dhaweeyey wada hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaal yahanada Alshabaab ee dagaalada kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waan soo dhawaynaynaa wada hadal dhexmara Dowladda iyo Alshabaab waayo waan ognahay baahida maanta waan ku taageeraynaa madaxweynaha wada hadalka Alshabaab iyo dowladda dhexmara” ayuu yiri Mid ka mid ah Odayaasha ku nool magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan laba u kala qaaday Alshabaab ayaa sheegay in wiilasha Alshabaab ka tirsan ee Soomaalida ah inay dalka Leeyihiin, diyaarna u yihiin inay wada hadal nabadeed la qaataan, halka kooxda kale uu ku tilmaamay ajaanib aan dalka lahayn isagoo ugu baaqay kooxdaasi inay isaga baxaan dalka Soomaaliya.
Haddalkan ka soo baxay qeybaha kala duwan Bulshada magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili maalintii shalay si rasmi ah loo caleema saaray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale