Madaafiic lagu garaacay Shibis iyo Boondheere.
20.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Madaafiic khasaaro geysatay ayaa waxay ku dhaceen Xaafado ka mid ah degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir.
Inta la hubo laba qof ayaa dhimatay 9 ruux ayaa ku dhaawacantay madaafiic ku dhacday Xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir.
Madaafiicdan ayaa xalay saqdii dhexe ku dhacday guryo ay daganaayeen dadkaasi shacabka ah sida ay warbaahinta Muqdisho u sheegeen ehelada dadkii wax ku noqday madaafiicdaasi.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo halka ay ka yimaadeen Madaafiicdaasi xiliga oo habeen saqdhexe ay ku soo dhaceen madaafiicdaasi, taasoo khasaare ka soo gaartay dadka rayidka ah.
Dadka deegaanka waxay sheegeen dhaawacyada dadka shacabka ah xalay loo qaaday isbitaalada Keysanay iyo Madiina, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulada degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.
Xaalada goobihii madaafiicda xalay ku hoobteen degmooyinka Shibis iyo Boondheere ayaa saaka dagan, mana jiraan wax barakac ah oo ay samaynayaan dadka shacabka ah.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale