Amaanka gobolka Banaadir oo laga dayrinayo maalmahaan danbe (Sababtu maxay tahay).
21.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Amaanka gobolka Banaadir ayaa faraha ka sii baxaya xili maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayeen Dilal qorsheysan, Qaraxyo, Duqeymo iyo dagaalo ay ku dhinteen dad aad u fara badan oo kor u dhaafaya ilaa 50-Ruux wixii ka dambeeyey doorashadii dalka.
Dadka gobolka Banaadir ku nool ayaa sheegay in Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud kadib lagu dilay dad isugu jira masuuliyiin dowladeed, Ciidamo, Saraakiil Nabad sugida ka tirsanaa, Suxufiyiin iyo dad kale oo shacab ah.
Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay u istaageen sidii loo joojin lahaa Xaalada amaan dari ee ka soo cusboonaaday gobolka Banaadir, balse waxay u muuqdaan kuwo fashilmay
Xaaji Muxumad oo ka mid ah waxgaradka Magaalada Muqdisho ku nool ayaa u sheegay Homelandmedia.net in duqeymaha, qaraxyada, dilalka iyo dagaalada ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo sii kordheen wixii ka dambeeyey is badalka cusub ee Dalka, taasoo uu sheegay inay sababtay in dilal dhowr ah, Qaraxyo, duqeymo iyo dagaalo ay ruxaan Magaalada Muqdisho.
Muqdisho waxaa si toos ah u maamula gacantana ugu haya dowladda Federaalka soomaaliya, halka ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo qeyb ka ah sugida Amaanka, waxayna dhammaan ku guuldareysteen inay xaqiijiyaan Amaanka Magaalada Muqdisho.
Lama oga xaalada magaalada Muqdisho sida ay ku danbeyn doonto maalmaha soo socda, waxayna tani ku soo beegmaysaa xili ka hor intii aan la galin doorashadii dalka Qurba joog badan magaalada ku soo qulquleen, laakiin hadda waxay bilaabeen qurba joogtii inay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen kadib xaalad cabsi ah oo soo wajahday caasimada Magaalada Muqdisho.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale