Kenya oo ka digtay weeraro Isqarxin ah oo Alshabaab ka geystaan dalkeeda.
22.Sep.2012.HOMELANDMEDEIA.NET.Dowladda Kenya ayaa sheegay inay walwal fara badan ka muujinayaan weeraro argagixisonimo ah oo alshabaab ka geystaan dalkaasi.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay ka digayaan weeraro isqarxin ah oo Alshabaab ka geystaan dalka Kenya, gaar ahaan kuwa ka soo baxa gobolada jubooyinka.
Mathew Iteere oo ah Taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in shacabka Kenya iyo ciidamada amaanka looga baahan yahay inay muujiyaan taxadar wadana shaqeeyaan si looga hortago weeraro qaraxyo ismiidaamin ah oo alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.
Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay heleen xog muujinaysa in dalka Kenya soo gaareen dhalinyaro fara badan oo ka tirsan dagaal yahanada Xarakada Alshabaab gaar ahaan magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.
“Waxaan helnay xog muujinaysa in rag ajaanib ah oo alshabaab ka tirsan kana soo baxay Kismaayo inay soo gaareen Kenya, laba waxay u dhalatay Dalka Masar, laba u dhalatay Marooko iyo nin heysta dhalashada Faransiiska ay abaabulayaan Weeraro Argagixisonimo ah” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Dalka Kenya.
Sidoo kale Mathew Iteere waxa uu sheegay inay saacadaha soo socda faafin doonaan sawirada raggaas soo galay dalka Kenya si buu yiri looga hortago qorshaha ay abaabulayaan.
Ugu danbeyntii tan iyo bishii October ee sanadkii la soo dhaafay markii ay Soomaaliya soo galeen Ciidamada Kenya ee ku biiray AMISOM waxaa gudaha dalka Kenya ka dhacay Weeraro qaraxyo ah oo ay masuuliyadooda sheegteen dagaal yahanada Alshabaab.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale