Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kullan la qaatay Saraakiishii hore ee dowladdii dhexe.
23.Sep.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo beryihii tagay waday kulamo uu la yeelanayey saraakiisha ciidamada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta ayaa shalay kulamo la qaatay saraakiishii hore ee dowladdii dhexe dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo la xariira sidii wax looga qaban lahaa xaaladda nabadgelyo xumo ee ka jirta dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in saraakiishu ay warbixin ka siiyaan Madaxweynaha qorshaha xasilinta Soomaaliya mudada 4-sano ah ee soo socota oo ay horay u soo diyaariyeen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamadii hore ee Soomaaliya, kaas oo la qorsheeyay in afarta sano ee soo socota la doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya.
Si rasmi ah looma oga waxyaabaha la isku afgartay ee kulanka sida gaar ah looga hadlay, hase ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya iyo tan magaalada Muqdisho oo beryihii tagay u muuqatay mid ka sii dareysa dhanka ammaanka iyo sida ay gacan uga geysan karaan saraakiishii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii ay u taageeri lahaayeen dowladdiisa cusub, isla markaasna ay uga wadashaqeyn lahaayeen dib u soo celinta nabadda iyo kala dambeyntii dalka, isla markaasna ganacsatadu ay dalka u maalgashtaan.
Ugu danbeyntii kullakan madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay Saraakiishii hore ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili amaanka magaalada Muqdisho faraha ka sii baxayo.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale