HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Madxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladaha ka taagan Islii iyo Gaarisa.

20.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaaladaha jahwareerka ka taagan Xaafadaha Islii iyo Gaarisa ee ka wada tirsan dalka Kenya.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay jiraan kooxo qaswadayaal ah oo doonaya in magaca iyo Sumcada ay ka dilaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka kala duwan ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya uu wanaagsan yahay isagoo cambaareeyey kooxihii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay Xaafada Islii iyo weeraradii lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya magaalada Gaarisa.

“kooxaha wada rabshadaha Kenya ka socda  waa kuwo doonaya sidii mugdi loo gelin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhinaca kale degnanaan in ay muujiyaan ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka Kenya ee dhibaatada wajahaya.

Ugu danbeyntii hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili dalka Kenya ay ka dhaceen qaraxyo iyo rabshado sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhawaac soo gaaray dad Kenyaati ah iyo Soomaalida ku nool dalkaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.