HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Ganacsade Caan ahaa oo xalay lagu dilay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

20.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan xalay kooxo dabley aan heebtooda la aqoon ay dileen Gancsade lagu magacaabi jiray Faarax Aadan.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa gaaray goobtii xalay lagu dilay Ganacsadahaasi oo si weyn looga wada garanayay deegaanada maamulka Puntland kuwaasoo goobta ka sameeyey howlgalo baadi goob ah, hase yeeshee kooxihii dilka fuliyay ayaa goobta ka baxsaday.

Ku xigaanka maamulka Puntland Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo saxaafada kula hadlay magaalada ayaa sheegay dilka Ganacsadaha inay dhici karto mid salka ku haya aano qabiil sida uu hadalka u dhigay.

“Dilka guddoomiyaha inta aanu dhicin wax yar ka hor waxaan ka wada hadalnay arrimaha degmada, wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo door muhim ah ku laha arrimaha lagu hor marinayo magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Ganacsiga” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale wali xaafadaha Israac iyo xaafado kale oo ka tirsan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa ka socda howlgalo ay wadaan Ciidamada Amaanka Puntland kuwaasoo baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey dilka Marxuum Faarax Aadan.

Ugu dambeyntii magaalada Gaalkacyo waxaa ku badan falalka Amaan darida ka dhaca gudaha Magaaladaasi oo ay ku badanaan Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan iyadoo maamulka Faroole ku guuldareystay inay wax ka qabtaan arrimaha Amaanka Magaalooyinka Puntland.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.