HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada Dhalinyaro laga soo celiyey Mareykanka.

21.Nov.2012.HOMELADMEDIA.NET.Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magacyada dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo celiyey Dalka Mareykan kuwaasoo ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport ee Magaalada Muqdisho.

Janaraal C/laahi Gaafoow Maxamuud oo ah Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhalinyaradan Maxkamada dalka Mareykanka  ay gebi ahaanba u diiday inay sharciga wadankaasi siiso waxaana dib loogu soo celiyey dalka Soomaaliya.

Haddaba Janaraal Gaafoow waxa u soo bandhigay magacyada dhalinyaradaasi oo gaaraya 10-dhalinyaro ah hase yeeshee 7-ka mid ah dhalinyaradaasi ayuu Taliyuhu soo bandhigay kuwaasoo kala ah sida soo socota.

1:Sufyaan Axmed Maxamed.

2:Muxidiin Maxamed

3:C/kariin Yuusuf

4:Qaasin Bashiir

5:Cabdi Jaamac

6:Fahad Naaji

7:Axmed Yuusuf Jilic

Ugu danbeyntii Mareykanka ayaa mudooyinkaan dambe waxaa jiray Soomaali badan oo kasoo tagaye kuwaasi oo ku biiraye Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya taasi oo dhibaato badani ay kasoo gaartay dhalinyarada Soomaali Mareykanka ah ee ku biiraya Shabaab.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

 

 

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.