HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Waa sidee Saaka  Xaalada Xaafada Islii ee Magaalada Neyroobi..?.

21.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Waxaa saaka dagan xaalada Xaafada Islii ee Magaalada Neyroobi oo labadii maalin ugu dambeysay ay ka socdeen xaalad kacsanaan ah kadib qaraxyadii ka dhacay Axadii la soo dhaafay.

Wariye ku sugan Neyroobi oo la xiriirnay saaka ayaa noo xaqiijiyey in xaafada laga dareemayo deganaasho, ganacsigii ayaa dib u bilowday, goobaha waxbarashada Ardeyda waxay bilaabeen inay dib u aadaan taasoo ka dhigaysa jawiga mid dagan.

Sidoo kale Dukaamadii ku yaalay xaafada Islii oo badankood Soomaalida ay ku ganacsadaan ayaa dib loo furay saaka, gaadiidka dadka shacabka ay raacaan ayaa saaka dib u shaqo bilaabay kana howlgala xaafada Islii ee Magaalada Neyroobi oo maalmihii la soo dhaafay rabashadihii ay saameeyeen.

Maalintii shalay kullan looga hadlayay amaaka Xaafada Islii ayaa lagu qabtay xaafadaasi iyadoo la isku afgartay in laga wada shaqeeyo sugida amaanka magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.

Kullankaasi oo ay ka qeyb galeen Ganacsato, culumaa’udiin, Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamad Cali Ameeriko, Haween iyo wax garad kale kuwaasoo kullanka intii uu socday kaga hadlay arrimaha Amaanka Xaafada Islii Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya.

Ugu danbeyntii lama oga in xaafada Islii mar kale ay wajihi diinto xaalad kacsanaan ah maadaama ay ku soo badanayaan falalka amaan darada ah gaar ahaan qaraxyada iyo dilalka.

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.