HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Xarakada alshabaab oo markii ugu horaysay ka hadlay Qaraxii Xaafada Islii iyo Rabshadaha ka socda Kenya.

21.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Xarakada Alshabaab oo dagaalo kula jirta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howlgalada AMISOM ee Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadleen qaraxii Axadii la soo dhaafay ka dhacay Xaafada Islii iyo Rabashadaha ka socda guud ahaan dalka Kenya.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo howlgalka u qaabilsan ayaa sheegay in alshabaab aysan wax lug ah ku lahayn qaraxii ka dhacay Axadii xaafada Islii kaasoo lagu tuuray bam gaari rakaab ah oo marayay xaafadaasi.

Hadalkan ayuu ka sheegay Afhayeenka Wakaalada Wararka ee AFP waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaan si cad u cadeynaynaa in alshabaab wax lug ah haba yaraatee ku lahayn waxyaabihii ka dhacay Islii, way dhici kartaa in Mujaahidiin alshabaab taageersan inay qaraxyada fuliyeen” ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab oo dhankooda ka fogeeyey inay ku lug leeyihiin waxyaabihii ka dhacay dalka Kenya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay boobka loo geysanayo hantida dadweynaha magaalooyinka Gaarisa iyo Neyroobi isagoo ku eedeeyey dowladda Kenya.

Ugu danbeyntii hadalka Afhayeenka Ciidamada Xarakada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ku soo beegmaya xili rabshado wali ay ka sii soconayaan magaalooyinka dalka Kenya kaasoo saameeyey soomaalida ku nool dalkaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.