HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Meydka qof rayid ah oo saaka lagu arkay Degmada Warta-Nabada Ex-Wardhiigley.

21.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Muqdisho ayaa saaka lagu arkay meydka qof rayid ah gudaha Degmada Warta-nabada Ex Wardhiilgey oo la soo dhigay degmadaasi.

Dadka ku dhaqan Xaafadaha Degmadaasi ayaa arkay meydka saaka markii waaga uu baryay isagoo wadada yaala waxaana loo malaynayaa inuu rayid yahay sida ka muuqato muuqaalka ruuxaasi.

Waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo goobta ka qaaday meydka qofkaasi rayidka ah ee saaka lagu arkay Degmada Warta-nabada Ex-Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Degmada Warta-nabadda Ex Wardhiigley ka taliya ayaa ilaa iyo hadda aan ka hadlin Meydka la soo dhigay Degmadaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.