HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Weerarada ka dhanka ah Madaxda dowladda oo ku soo badanaya Wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka.

25.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Tan iyo markii ciidamada Huwanta ay la wareegeen Magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose waxaa ku soo badanaya wadadaasi weerarada dhabagal ah ee lagu qaado Ciidamada dowladda, AMISOM iyo madaxda dowladda ee wadadaasi ku socdaala si ay isaga kala gooshaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.

Weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay wadadaasi waxaa si dirqi ah kaga bad-baaday Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Maamulka dowladda iyo Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolkaasi.

Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa ku sugan dhulka howdka ah waxayna weeraro ku qaadaan Ciidamada dowladda, AMISOM iyo madaxda sare, iyagoo horay wadadaasi ugu dilay Taliyihii Guutada Shanaad ee Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya in kastoo dilka Taliyahaasi hore loo heysto saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xarakada Alshabaab ku sugan dhulka Howdka ah waxay sheegeen inay Qatar galin doonaan saraakiisha iyo madaxda dowladda isticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka ayaa u muuqanaya mid faraha ka sii baxaya maalinba maalinta ka dambeysa iyadoo ciidamada Huwanta ay sheegeen inay sugayaan amaanka wadadaasi oo ku soo kordhaya weerarada culus oo ay geysanayaan Xarakada Alshabaab.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.