Sheekh Xasan Daahir Aweys “Dhimashadeyda waa soo dhawaatay ee hala..”.
25.Nov.2012.HOMELADMEDIA.NET.Hogaamiyihii hore ee Ururkii Burburay ee Xizbul Islaam kadibna ku biiray Xarakada Alshabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa 19-kii Bishan November ka badbaaday isku day dil ka dib qarax Miino lagula eegtay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyey weerarkaasi Qaraxa dadka deegaanka dareemeen In kastoo aysan jirin cid ka hadashay qaraxaasi Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu wali ku sugan yahay Magaalada Baraawe.
Ilo ku dhow Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay wixii ka dambeeyey qaraxaasi in uu abuuray Guux iyo Hadal heyn dhinacyo badan leh iyo xaalad cabsi ah oo soo food saartay wadaadkaasi.
“Dhimashadeyda waa soo dhawaatay ee hala iskey Cafiyo..” waxaa sidaasi yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys sida uu sheegay Xubin ku dhow Sheekha oo ka gaabsaday magaciisa.
Ugu dambeyntii Ururkii Xizbul Islaam ee horay u bur-buray ayaa sheegay inay ka baxeen Xarakada Alshabaab ayna diyaar u yihiin in wada hadal ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale