HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Wararkii ugu dambeeyey ka dib dagaalkii Baladxaawo.

26.Nov.2012.HOMELANDMEDIA.NET.Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, Maleeshiyada ahlusunna, Kenya iyo Ciidamada Itoobiya ayaa dib u qabsaday Magaalada Baladxaawo oo gashay gacanta Xarakada Alshabaab shalay gelinkii dambe dagaal halkaasi ay kula galeen huwanta.

Weerarka dagaalka Baladxaawo ayaa qarxay ka dib markii Ciidamada Xarakada alshabaab ay soo weerareen Saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal culus dagaalkaasoo magaalada inteeda kale ku faafay.

Ciidamada Xarakada alshabaab dagaalkii Baladxaawo waxay ka soo weerareen ilaa saddex Jiho waxaana halkaasi ka qarxay dagaal faraha looga gubtay iyagoo saacado kooban la wareegay gacan ku heynta Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id uu qabtay faahfaahin dheer ka bixiyey dagaalka Xarakada Alshabaab ay kula wareegeen Magaalada Baladxaawo, isagoo sheegay inay ku sugan yihiin Saddex gobol oo kala ah Gedo, Banaadir iyo Sh/hoose.

Sheekh C/casiis ayaa sheegay weerarkaasi inay u suuragashay Ciidamada Xarakada Alshabaab inay gebi ahaan la wareegaan magaalada, islamarkaana  ay dileen 15 ay ku jiraan Saraakiil Ciidan, laba gaari oo kuwa dagaalka ah ay soo qabteen iyo hub kale oo ay furteen ka dibna dib uga baxeen magaalada sida uu yiri Afhayeenka.

“Ciidamada Mujaahidiinta muddo kooban ayay la wareegeen Magaalada Baladxaawo Cadowga qasaare isugu jira Dhimasho, Dhaawac iyo hub fara badan oo aan ka furanay ayaa gaarsiinay, Bam-gacmeedyo, Rasaas fara badan, gaadiid dagaal, Qoryo iyo saad kale ayaa ka furanay ka dibna ciidamada Mujaahidiinta dib ayay uga baxeen magaalada” ayuu yiri afhayeenka dhanka Howlgalada Xarakada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab.

Dhinaca kale Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xaalada Magaalada ay caawa dagan tahay ayna gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Diyaarad Cabdi Kaliil ayaa sidoo kale sheegay inuu indhahiisa ku arkay sida uu yiri 13 qof meyd ah kana tirsan Xarakada Alshabaab lagana cararay.

Xarakada Alshabaab ayaa horay marar badan ula wareegay Magaalada Baladxaawo iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobolka Gedo mana ahan markii ugu horaysay oo ay la wareegaan magaaladaasi.

Ugu danbeyntii Ciidamada dowladda ku sugan magaalada Baladxaawo ayaa wada howlgalo baaritaano ah iyagoo xirxiray dad badan oo dadka deegaanka ah kuwaasoo ay tuhmayaan inay xiriir la leeyihiin Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.