HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Magaalada Jowhar oo laga barakacayo iyo Ciidamada Huwanta oo ku dhow inay la wareegaan.

25.Nov.2012.HOMELANDEDIA.NET.Ciidamada Huwanta ayaa u dhaqaaqay saakay dhanka Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe si halkaasi ugala wareegaan Ciidamada Xarakada Alshabaab.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Barakac aad u xoogan uu ka jiro magaalada ka dib markii Ciidamada Huwanta oo isgarabsanaya ka dhaqaaqeen deegaano ku dhow magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Xarakada Alshabaab dhaqdhaqaaq xoogan ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada si ay uga hortagaan ciidamada Huwanta ah iyagoo difaac ka galay banaanka waxaana magaalada ka jira is abaabul ay samaynayaan Ciidamada Xarakada Alshabaab si magaalada u difaacdaan.

Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in magaalada dadka shacabka ah intooda badan ay ka barakaceen si haddii magaalada gudaheeda dagaalada u soo galaan aysan u saamayn.

Dhinaca kale Ciidamada Huwanta oo maalintii shalay la wareegay deegaano hor leh kuna dhow magaalada Jowhar ayaa la sheegay in halkaasi dhaqdhaqaaq ka wadaan, iyagoo isku diyaarinaya  inay weeraraan Magaalada Jowhar si ay gacanta ugu dhigaan.

Wixii ku soo kordha la soco.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.